Qalabkii Lagu Gelayey Doorashooyinka Wakiillada Iyo Degaanka JSL Oo Dalka Soo Gaadhey.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland,Masuuliyiinta Hay’adda Madaarrada Somaliland iyo saraakiil ka tirsan xisbiyadda Qaranka ayaa garoonka diyaaraddaha ee Cigaal International Airport kusoo dhoweeyey waraaqihii Codbixinta Doorashadda Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka oo dalka Maanta soo gaadhey.

Ugu horeyn waxa goobta ay Guddida doorashooyinka Somaliland kula wareegayeen waraaqahan ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid) ,waxaanu tilmaamay in Hay’adda Madaarrada Somaliland ay kala shaqaynayso Guddida Doorashooyinka Qaranka,sidii agabkii doorashooyinka lagu geli lahaa loo helo waqtigii loo baahnaa.

Waxa isna ka warbixiyey qalabkan codbixinta doorashadda Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka Somaliland ee dhowaan dhici doona guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riya Raac) oo Hay’adda Madaarrada Somaliland iyo Xisbiyadda Qarankaba uga mahadceliyey siday heeganka ugu ahaayeen imaatinka waraaqahan codaynta doorashooyinka.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo Raac waxa uu sheegay in qalabka soo gaadhey maanta Guddida Doorashooyinku uu yahay waraaqihii codbixinta iyo waraaqihii lagu qoraayey natiijadda kasoo baxda goobta,kuwaas oo ka kooban 21 Baalat ama dhawr iyo toban tan, waxa uu sidoo kalena Guddoomiyuhu sheegay in ilaa 50 tan oo kalena ay soo socdaan.

Guddoomiye Riyo Raac ayaa sheegay in qandaraaska waraaqahan ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Reforms oo laga lee yahay dalka Koonfur Afrika,waxaanu cadeeyey in qalabkani yahay mid xasaasi ah, sidaas darteedna ay imaatinkiisa goob joog ka yihiin,Masuuliyiinta Hay’adda Madaarrada Somaliland,laamaha amaanka iyo xisbiyadda Qaranka Somaliland, si ay u ogaadaan tiradda qalabkan iyo noocyadiisaba.

Waraaqahan codaynta iyo kuwa lagu qoraayo natiijadda goobaha ayaa ah kuwo degmo degmo u xidhan,sida uu Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranku sheegay.

Waxa iyaguna goobta ka hadlay xubno ka tirsan saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo uga mahadceliyey Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland dedaalka dheer ee ay muujiyeen,iyaga oo sidoo kalena u mahadceliyey masuuliyiinta Hay’adda Madaarrada Somaliland oo heegan ku ahaa madaarka Hargeysa dhawrkii cisho ee lasoo dhaafay ee la sugaayey qalabkan.

Masuuliyiinta Xisbiyadda Qaranka Somaliland waxa ay usoo jeediyeen shacab-weynaha reer Somaliland in ay ilaaliyaan nabadgelyadda, gacmahana isu qabsadaan sidii ay doorashadaasi nabadgelyo ugu dhici lahayd, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker