Xukuumadda Somaliland oo kormeertay Kaalmaha shidaalka.

Wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa fulisay olole lagu dabo gelayo dhaqangalka wareegto uu agaasimaha guud ee wasaaraddu kasoo saaray qiimaha shidalka.

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta bilowday olole lagu dabo galayo qiimaha shidaalka oo dhowaan Agaasimaha guud ee Wasaaraddu uu wareegto kasoo saaray qiimaha lagu iibinayo, sidaa darteed Wasaaraddu iyadoo hubinaysa dhaqan galka wareegtadaas waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddu faray kooxaha Wasaaradda u qaabilsan dabo galka Liisamadda, Qiimaha Maceeshada iyo Shidaalku inay saaka ka bilaabaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaana Caasimada Hargeysa Olole ku saabsan hubinta ku dhaqanka wareegtadaas lagu xadiday qiimaha shidaalka isagoona kula dardaarmay in ay si xilkasnimo leh u gud taan shaqadaas.

Waxaana hormuud u ahaa kooxda dabo galka samaynaysay isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodi jeex, hawl galkan lagu dabo gelayey qiimaha shidaalka ayaa waxa maanta laga fuliyey Degmooyinka Caasimada Hargeysa kuwaas oo ay shaqaaluhu kala kulmeen Kaalmihii shidaalka ee ay kormeereen inay badan koodu sidii loogu talo galay u fuliyeen qiimihii Wasaaraddu u jartay. Halka tiro aad u kooban oo qiimahaas ka sareeyeyna isla markii lala kulmay amar lagu siiyey inay fuliyaan wareegtadaas sidoo kalena looga digay in aanay dhaafiyaan qiimaha loo ogol yahay mudada loogu talo galay in ay wareegtadani shaqayso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker