Suxufi Raage Oomaar oo ka Hadlay Siday Somaliland ugu Baahan Tahay in Laga Taageero Ilaalinta Duurjoogta

Suxufiga caanka  ah ee Raage Oomaar oo ah Tifaftiraha Arrimaha caalamiga ah ee Telefishanka  ITV News, ayaa maqaal ku falanqeeyey siday Somaliland u ilaalinayso duurjoogta dalkeeda.

 

Raage Oomaar wuxuu qormadiisa  ciwaan uga dhigay:  “Dagaalka Somaliland ku ilaalinayso duurjoogta.”  Warbixintaas waxa soo   turjuntay  Wakaallada Wararka Somaliland  ee SOLNA, waxaanay  u  qorneyd sidan:

 

“Somaliland  waa  maxmiyad Ingiriisku hore u  xukumi jiray oo ku taalla Geeska Afrika, waxa lagu sifeeyey mucjisada Afrika ee aanay ciddina waxba kala soconin. Somaliland  waxay ku taallaa mandaqad  wajahaysa cabaqado badan oo ay ka mid yihiin deganaansho la’aan siyaasadeed oo ay ku fidayaan  xagjirnimada iyo qulqulatooyinku,  laakiin Somaliland waxay iska ilaalisay halisahaas,  waxaanay ka soo kabanaysaa abaar kulul oo ku habsatay saddexdii sannadood ee la soo dhaafay.

 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka  Ingiriiska ayaa kula  kulmaya xarunta Baarlamaanka UK,   Wasiirro ka socda Somaliland,  waxaanay ka wada hadlayaan dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofka   duurjoogta.”

 

Weriye Raage Omaar wuxuu ka sheekeeyey   in carruurnimadiisii uu booqan jiray miyiga duleedka Hargeysa oo cagaarka dhirtu  is-haysato, waxaanu intaas ku daray in bariga Somaliland ay wali ku sii nool yihiin duurjoog , kana baxaan dhirta  fooxa iyo malmalka.

 

Suxufi Raage wuxuu  warbixintiisa kaga warramay halista   dhirta  loo gubay  dhuxulaysiga  iyo nabaad-guurka ay ku keentay deegaanka Somaliland.

 

Waxa kaloo  uu  xusay in Somaliland  ay ka qabsoomeen  doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, isla markaana  awooda la iskugu wareejiyey si nabdoon, waxaanu ku dooday  in aanay Somaliland dhaqaale u haynin ilaalinta  duurjoogta dalka ku soo hadhay,  gaar ahaan Harimacadka oo ay u baahan tahay in laga taageero arrintaas.

 

Ugu dambayn, Weriye Raage Oomaar wuxuu sheegay inuu dalalka Geeska Afrika ku  soo arkay in kooxaha ka shaqeysta dhoofka duur-joogtu  ay yihiin isla dadka  ka dambeeya Tahriibka iyo xagjirnimada.

Weriye Raage Omaar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker