Bangiga Caalamiga Ah Ee Dahabshiil Oo Casho Sharaf ku Maamuusay Munaasibadda Todobaadka Daryeelka Macaamiisha

Hargeysa(OWN)Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil Bank International ayaa munaasibad casho sharaf ah ku maamuusay macaamiishiisa oo ay ku jiraan haldoorka ganacsatada Soomaalida. Munaasibadda oo lagu qabtay xarunta Baniga ee Hargeysa waxa lagu soo bandhigay todobaadka daryeelka macaamiisha waxaana goobjoog ahaa maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahabshiil), guddoomiyaha Bangiga Cumar Sheekh, masuuliyiin sarsare oo Dahabshiil Group ah, ganacsato iyo macaamiil.

Guddoomiyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Dahabshiil ayaa sheegay in u jeedada Todobaadka Daryeelka Macaamiishu ahaa sidii loo horumarin lahaa isku xidhnaanta Bangiga iyo macaamiisha loona dhegaysan lahaa fikradaha macaamiisha “Waxaanu u aragnay in aanu macaamiisha mar walba soo dhawaysano, taladooda aanu maqalno, horumarka aanu samaynayno mar walba

aanu qayb ka siino, waayo marka aad idinku guulaysataan ayaanu anaguna sii guulaysanayna, marka xafladdan aasaaskeedu waa taas,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid Dahabshiil.

Guddoomiyaha Dahabshiil waxa uu sheegay in todobaadkan la dhegaystey talooyinka macaamiisha haddii ay horumar tahay iyo haddii ay dhalliil tahay, islamarkaana la dhiiri galin doono shaqaalaha u adeegga macaamiisha “Madax badan oo Dahabshiil Bank ah ayaa jooga oo ay ka mid yihiin madaxdii East Africa Bank ee Jabuuti. Dhammaan waxay u yimaaddeen oo aanu ayaamahan oo dhan u joognay una sii joogayaan sidii adeegga macmiisha loo sii kordhin lahaa. Waxaan filaya in ay markii u horaysay tahay in usbuuc dhan macaamiisha la siiyo oo afkaartooda la dhegaysto, maalgalinta lafteeda meelaha ay macaamiishu jecel yihiin culayska la saaro anaga oo eegayna rag iyo dumar ba, dhallinyaro, waayeel, cid baayac mushtariga ku cusub iyo mid muddo dheer Baayac mushtari ahaaba,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo si balaadhan ugu mahadceliyay ganacsatada kala duwan ee Soomaalida ee xafladda ka soo qayb galay iyo guud ahaan macaamiisha shirkadda ku xidhan waxaanu ammaanay doorka ganacsatada ee shaqo abuurka iyo horumarka.

Guddoomiyaha Dahabshiil Group waxa uu ganacsatada u ballanqaaday in ay dardar galin doonan taageeradooda ganacsiga “Waxaanu doonayna in aad ogaatan in aanu garabkiina taaggan nahay, in aanu maalgalinta aanu Waddanka galinayno sii badinayno, in aanu dhallinyarada iyo cid Alla ciddii doonaysa in ay shaqo abuuraan ba aanu gacmo furan ku soo dhawaynayno, in dadka qurbejoogga ah ee dalka ku soo noqday ama ku soo noqonaya Dahabshiil Bank u furan yahay oo adeegga ay u baahan yihiin ka heli doonan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid oo macaamiisha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Dahabshiil Bank Cumar Sheekh, waxaanu u mahadceliyay maamulihii hore Siciid Maxamed Cali oo hawlgab ka noqday shaqada laakiin, la sii shaqayn doona Bangiga.

Guddoomiyaha cusub ee Dahabshiil Bank Cumar Sheekh oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in hoggaamintiisu isbedello waaweyn ku soo kordhin doonto Bangiga oo ay ka mid tahay isku xidhka macaamiisha iyo bangiga “Xidhiidhinta, tixgelinta iyo daryeelka macaamiisha aad baan u jeclahay waanu idinla shaqaynayna, waxaanu idin leenahay bangiga lacag soo dhigta, ciddii dayn lagu leeyahay noo soo celiya maxaa yeelay? Waa in marka mashruuc lagu siiyo lacagta aad soo celisa si dad kale uga faa’iidaystaan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Dahabshiil Bank.

 

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ka mid ah macaamiisha Dahabshiil ayaa soo dhaweeyay fikradda cusub ee lagu daryeelayo macaamiisha waxaanu u mahadceliyay madaxda Dahabshiil. Xaaji Aadan Baradho waxa uu masuuliyiinta Bangiga ku booriyay in ay sameeyaan nidaam ganacsatada u sahlaya in ay lacagahooda ka qaatan dibadda “Talooyinka aan idiin soo jeedinayo waxa ka mid ah oo baahida baan loo qabana ugu badan tahay oo ugu mudan tahay in aad xidhiidh dibadeed inoo samaysaan oo baanka laga furan karo LC-yada si looga raysto lacagahan tuurta lagu qaadanayo ee dibadaha lala qabanayo ee China lala qabanayo ee Turkiga lala qabanayo ee meesha aynu wax ka keenaba lala qabanyo ee halista ah si looga nasto in aad inoo samaysaan ‘correspondent’ Banks caalamiya oo inaga oo halkan joogna aan LC-yadii ka furan karno oo xataa xoolaheena uga furan karno iyo badeecadda kale ee aynu dhoofino oo hadda ah biyo yaa shubana,” Sidaas ayuu yidhi ganacsade Aadan Baradho.

Caasha Ibraahin (Caasha Sugan) oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa Bangiga Dahabshiil ku boorisay in uu dardar galiyo taageerida ganacsatada “Anigu barigii hore ganacsato ayaan ahaa markii dambena qaxoonti ayaan noqday waxaan garoonka Berbera ka soo degay aniga oo 60 doollar sita maantana warshado iyo ‘Campany-yo ayaan leeyahay, Illaahay iyo Dahabshiil ayaa mahadda iska leh. Dahabshiil wuu ina wada dhiiri geliyay dumarkuna ha u badnaadan dadka uu dhiiri geliyo ama uu wax u qabto,” Sidaas ayay tidhi Caasha oo si weyn ugu mahadcelisay Dahabshiil.

Maamulaha dugsiyada Nuura Diin Mahad Ibraahim oo munaasibadda hadal ka jeediyay waxa uu sheegay in Nuura Diin yahay macmiilka u horeeyay ee bangigu maalgaliyay. Waxa uu sheegay in dugsiga hablaha ee Nuuradiin oo ku yaalla Shacabka uu dhulka siiyay madaxweynihii hore Daahir Riyaale, islamarkaana lacagta lagu dhisay oo Malyuun dollar ah bixiyay Dahabshiil Bank “Markii fikirka dhismaha dugsigu igu soo dhacay waxaan la hadlay Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo Ingiriiska joogay waxaanan ku idhi ‘waxaan doonaya dugsigaas oo dhismaha iyo qalabka ay ku baxayso lacag malyuun doollar iyo siyaado ah’ waxa uu igu yidhi ‘aynu isu nimaadno’ markii aanu isku nimid sidii nidaamka baanku ahaa waxa la igu yidhi ‘damiinul maal ayaa laga raba’ inta aan u imid Xaajiga ayaan idhi ma hayo cid iga damiinata Malyuun doollar iyo siyaado ee waxaad yeelayso yeel. Xaaji Maxamed Siciid isaga ayaa iga noqday Damiinul maal warqaddii nootayada ee uu ii qorayna waan haya. Isaga laftiisu isma lahayn lacagta inta leeg way soo noqonaysaye illaahay ayaa naga bixiyay,” Sidaas ayuu yidhi Maamule Mahad Ibraahim.

 

Maamulaha Star Group Deeq Cabdi ayaa isna masuuliyiinta Bangiga Dahabshiil kula taliyay in ay dib u eegis ku sameeyaan Khidmadda Bangigu saaro maalgalinta si cid walba u awoodi karto waxaanu si weyn uga mahadceliyay qorshaha cusub ee lagu daryeelayo macaamiisha isaga oo ballan qaaday in uu barbar taaggan yahay Dahabshiil Bank.

Agaasimaha telefishanka Horn Cable Maxamed Cabdi Ilig ayaa isna madaxda Dahabshiil Bank ku boorriyay in dhallinyarada qorshe maalgalineed oo ka fudud ganacsatada loo sameeyo maaddaama aanay dhaqaale buuran hayn una baahan yihiin ganacsi abuur, in ay guryo dhistaan iyo in ay nolosha ku soo biiraan. Fikraddaas ayay ganacsatada waaweyn iyo dadka madasha ka hadlay si weyn u soo dhaweeyeen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker