Ciidamada Amisom oo Magaalada Muqdisho ku dilay 3 Askari oo ka Tirsan Ciidamda Dawladda Federaalka ah ee Somali

Ciidamada AMISOM ayaa mooto ay saarnaayeen laba askari iyo darawalkii mootada Jiidhay Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, maydka 3da ruux ayaa laamiga yaalay in mudo ah , iyadoo ciidamadii waxyeelada gaystay ay safarkoodii iska wateen waxaana la soo sheegayaa in lagu hayo deegaanka Calamada waxaana halkaas uga daba tagay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Ceelasha Biyaha Saldhig ku lahaa.

Meydadka askarta ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la keenay xarunta baadhista dambiyada ee C.I.D, halkaas oo Sawirran lagaga qaaday sida wararku sheegayaan.

Saraakiisha Amison  oo ay  hoggaamineysay gawaadhida dhibaatadan geystay ayaa la soo sheegayaa in ay dalbadeen in socodkooda loo sii ogolaado,

wixii eed ah ee loo heystana ay kala Xaalaan ehelka dhibanayaasha.

Ciidanka AMISOM ayaa tacadiyo kala duwan ugaysta Shacabka Soomaaliyeed xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo kale ee dalka,mana muuqato ilaa iyo hada wax laga qabtay Tacadiyadaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker