Hogaamiyayaasha G20 oo isku afgartay in isabadal lagu sameeyo nidaamka ganacsiga caalamka

Hogaamiyayaashani 20 dal ee dhanka dhaqaalaha ugu tunka wayn caalamka ayaa isku afgartay in dib boorka looga jafo nidaamka ganacsiga caalamka.

Bayaan ay soo saareen madaxda dalalkan ayaa waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay isbadal guud oo lagu sameeyo qaabka ururka ganacsiga u imika u shaqeeyo.

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wariyayaasah u sheegay in ay jirto baahi loo qabo in la casriyeeyo ururka ganacsiga aduunka.

Waxyaabaha ajandooyiinka laga wadahadlay ugu sareeyay waxaa ka mid ahaa arrinta cansuuraha.

Dhanka kale Mareykanka iyo Shiinaha ayay u muuqataa in ay is afgarad ka gaareen dagaalkii ganacsiga ee u dhaxeeyay.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan ay yeesheen ka dib shirwaynaha wadamada G20 waxay isku raaceen in la jooojiyo muddo 90 maalmood ah canshuraha cusub ee ay horay u soo rogeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker