Guddiga Guud Ee SAHAN-BARWAAQO Oo Qedo-sharaf U Samaysay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska
Hargaysa:(OWN)- Munaasibadan oo ka qabsoomtay STAR HOTEL,ayaa waxa kasoo qeyb-galay;Wasiirka Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda,Cabdiqaadir Dhegaweyne,Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees,Agaasimayaasha Wasaaradda Jidadka Iyo Xidhiidhka Gollayaasha,Wax-garad,Odayaal,Aqoon-yahano,Ganacsto iyo Dad kale oo Labbeenta Bulshadda ah.
Qedo-sharaftan oo ahayd mid duco iyo soo dhaweyn ah,ayaa dadkii Madasha ka hadlay,waxay ILAAHAY Wasiirka uga baryeen inuu ku asturo Masuuliyadda culus ee uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay,waxaanay ku booriyeen in isaga oo ka faaโiidaysana khibradda dheer ee uu u leeyahay arrimaha Waxbarshadda uu wax badan ka bedelo siday haatan tahay Waxbarshadda Dalku.
Dhinaciisa,Cismaan Aadan Iimaan (Cismaan-Xoog),Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska oo halkaas ka hadlay,waxa uu sheegay in Horumarka Shucuubta Duniddu ay ku xidhan tahay Heerka Aqooneed ee Bulshada,isla-markaasna heerka Horumar ee waddanku uu ku xidhan yahay Tayadda Waxbarasho ee Dalkaasi taala,isaguna uu taas maanka ku yahay.
Wasiirku,waxa uu intaas raaciyay inuu dareensanyahay Filashadda Bulshadda ee ku aaddan inuu khibrad durugsan u leeyahay Arrimaha Waxbarshadda,intii karaankiisa ahna uu dedaali doono,isaga oo kaashanaya Khubaradda Bahda Wasaaradda Waxbarshadda Somaliland.