Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo weeraray Xarunta Tvga Universal ee Muqdisho

Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa weerar ku qaaday Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Shaqaalaha Tv-ga ay ku jiraan xaalad nabadgelyo ah.

Ciidamadan ayaa bilaabay rasaas ay ku fureen illaada Tv-ga oo banaanka hore ee Xarunta Tv-ga illaalo ka haayay, waxaana taasi ay dhalisay in Ciidanka illaalada dhankooda ay ka jawaabaan rasaastaasi.

Argagax ayaa soo food saaray Shaqaalaha Xarunta Tv-ga Muqdisho, kadib markii iyaga oo si nabadgelyo ah Bulshada ugu adeegaya mar kaliya rasaas lagu furay.

Illaa hadda lama garanaayo sababta Xarunta Tv-ga weerarka loogu soo qaaday.

Maalmahan dambe amnidaro wayn ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho oo qaraxyo gaadiid ay ka dhacayaan Magaalada gudaheeda.

Sabtidii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii dabley ka tirsan Al Shabaab oo xirnaa dareeska Ciidamada Booliska ay weerar ku qaadeen dhismaha Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha oo ay ku dileen Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker