Jaamacad Maraykanka ah oo Bilowday Dood Rejo ka Muujisay in Shiidaal Laga soo Saaro Somaliland
Jaamacadda Indiana University ee waddanka Maraykanka ayaa wada dood la xidhiidha in la gaadhay wakhtigii shiidaalka Somaliland la soo saari lahaa oo dalku ka faaโiidaysan lahaa dhaqaalaha ka soo baxaย ย iibka shiidaalka.
Warbixin uu shalay diyaariyey ย khabiir Mr SCOTT PEGG oo ka tirsan jaamacadda Indiana University oo saadaal wanaagsan ka muujiyey in shiidaal laga soo saaro Somaliland sannadka 2019ka, warkaasina wuxuu u qornaa sidan:-
โSannadihii u danbeeyey waxa Somaliland ka socday sahan dhinaca shiidaal soo saarista ah oo ย Shirkado kala duwani ย ka sahminayeen Somaliland, waxaana la baadhayย dhulka ย iyo deegaannadaย xeebta ku teedsan, waxaana ย rejo weyn laga qabaa bilowga sannadka 2019ka ย in la bilaabo wax-soo-saarkii siday hore u shaacisay Shirkadda Genel Energy.
Wakhtigan waxa laga hadlayaa haddii la soo saaro dhib iyo dheef waxa uu u yeellan karo Somaliland. Dood ay samaysay Jaamacada Indiana University ee waddanka Maraykanka waxay is weydiinaysaa in la gaadhay ย wakhtigii la soo saari lahaa ย shiidaalka Somaliland ย iyo in kale?.
Khabiir ย SCOTT PEGG oo ย siyaasadda dhaqaalaha u qaabilsan Jaamacadda ย Indiana University, ย ayaa xusay in iibka shiidaalku uu ย kordhin doono dhaqaalaha Somaliland ee xaddidan. Warbixin uu diyaariyey wuxuu ku soo bandhigay in Somaliland nabadgelyo ku naaloonaysay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, isla markaana madaxweynihii shanaad oo ku yimid doorasho dimuqraadi ah oo uu xilka kula wareegay, waxaanuย aaminsan yahay in Somaliland ย looga baahan yahay inay u sii weel-tolato iibka shiidaalkeeda.
Waraysiyo laga qaaday dad siyaasiyiin ah waxay soo jeediyeen in laga ย faaโiidayto ย waddamada Afrika ee ku guulaystay maaraynta ย dakhliga Saliida.
Baadhitaanka Shidaalka waxaย Somaliland laga daahfuray ย sannadkii 1912kii, hase ahaatee xilligan ย waxa bilowday ย ย sannadkii 2012kii ย shiidaal baadhista ย shirkaddaย Genel Energy, waxaa lagu wadaa haddii hindisaha shiidaal qodista lagu guulaysto in Somaliland laga soo saari doono in ka badan laba bilyan oo foosto sannadkii.





