Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Safar Ku Yimid Gobolka Sanaag Oo Uu Ku Sugan Yahay Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Dhahar oo ku taalla waqooyigalbeed gobolka Sanaag.

 

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yimaado magaalada Dhahar tan iyo markii xilka madaxweyne loo doortay.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa dib ugu soo noqday degmada Ceel-afweyn oo uu hadda ku sugan yahay isaga booqan bariga gobolka Sanaag oo shacab reer Somaliland filayeen in uu booqasho ku tagi doono.

 

Magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn gobolka Sanaag waxaanay magaalada Ceerigaabo u jirtaa 220 km.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker