Hay’adda Qurbajoogga JSL oo Kulan Wada-tashi ah u Qabatay Ganacsato
Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta shir ugu qabatay Hargeysa qaarka mid ah ganacsatada qurbajoogga ah ee dalka maalgashaday.
.Ujeeddada kulankaas ayaa qayb ka ahayd ka talo-gelinta qurbajoogga qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo isku xidhka bulshada maalgashayaasha qurbajoogga ah taasoo waafaqsan Qorshaha Horumarineed ee Qaranka JSL, sidoo kale xubnaha sida rasmiga ah ugu soo noqday dalka ee jaalliyadaha wadamada kala duwan ka soo noqday taasoo waafa
“Kulankani waxa ay daaran yahay labada ujeeddo uun oo kala ah, inaan ka wadatashanno sidii aan u samayn lahayn fooramka ganacsatada qurbajoogga “Somaliland Business Forum” iyo ururo (Associatons) aan u samaynno xubnaha jaalliyadaha wadan kasta si ay u fududaato helitaanka iyo ururinta xogtooda iyo isuduwidda hawlaha la xidhiidha ee Hay’adda u xilsaarantahay,” ayuu yidhi Cabdi Cabdilaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL.
Waxa ka hadlay shirka xubno badan oo ka mid ah qurbajoogga maalgashaday ganacsiyada kala duwan ay ka mid yihiin hudheellada iyo dalxiiska, tamarta, warshadaha, waxsoosaarka, adeegyada kala duwan iwm kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyay aas’aaska “Somaliland Diaspora Business Forum,” xoojinta isku xidhnaanshaha, kala faaiidaysiga iyo iskaashiga dhexdooda si heer wadan ah iyo si guudba, sidoo kalena soo bandhigay ganacsiyada ay maalgashadeen iyo caqabadaha kala duwan ee ay kala kulmaan dhinacyada adeeg bixinta hay’adaha dawladda, nidaamka cashuuraha, cududa shaqaale, baananka, daynsiga iyo deeqaha maalgashi, shuruucda dalka, iyo qodobo kaleba.
Gebogebadii kulanka, waxa lagu doortay xubno guddi hawleed ah (Task force) oo kala shaqayn doonaa Hay’adda Qurbajoogga aas’aaska Madasha Ganacsatada Qurbajoogga Somaliland (Establishment of Somaliland Diaspora Business Forum) taasoo noqon doonta madal lagaga hadlo arrimaha khuseeya maalgashiga iyo doorka qurbajoogga, yeelanaysana kulamo seddex biloodle ah (Quarterly Meetings), iyo bandhig sannadeed ballaadhan (Annual Diaspora Business Exhibition) laga bilaabo 2019. Waxa kale oo la xilsaaray xubno metelayay jaalliyadaha wadamo kala duwan oo qurbajoog badani ka soo noqdeen kuwaasoo iyaguna ka qaybqaadan doona qorshe hawleedada Hay’adda ee xagga isku xidhka (Diaspora Network Systems).





