Sawiro Satellite Oo Muujiyey Dal Hub Badan Siinaya Abiy Ahmed

Sawirro lagu qaaday satellite-ka oo ay heshay Al-Jazeera ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero millatari oo baaxad leh siineyso dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta mucaaradka Tigray-ga.
Baadhayaasha helay sawirrada ayaa isha ku hayey muddo saldhigyo ciidammada cirka ah oo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, waxayna heleen caddeymaha in ka badan 90 duulimaad oo isaga kala gooshay saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi iyo kan Harar Meda ee koonfurta magaalada Addis Ababa, intii u dhaxeysay September iyo October 2021.

Asalka duulimaadyada badankood ayaa la qariyey ama la geliyey diiwaanka duulimaadyo kale oo caadi ah oo ayna laheyn.

Daabulaadda hubka ayaa waxaa qandaraas ku qaatay laba shirkad oo gaar loo leeyahay oo mid laga leeyahay Spain, taasi oo sameysay 50 duulimaad iyo mid laga leeyahay Ukraine oo sameysay 30, sida ay ogaatay Al-Jazeera.

Ma cadda haddii hubkan ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta iyo haddii ay tahay un marin hubka ay marinayaan dowlado kale.

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed, ayaa iska dhiga inuu yahay nabadeeyaha iyo dhex-dhexaadiyaha Geeska Afrika. Hase yeeshee shaac ka qaadistan ayaa tilmaameysa in Imaaraadka uu taageero xooggan ku siinayo Itoobiya dagaalka ay kula jirto Tigray-ga.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo dowladda Abiy ay bilihii tegay jab xooggan kala kulantay Tigray-ga oo hadda kusii siqaya caasimadda Addis Ababa, una jira wax ka yar 200 km.

Mid ka mid ah muuqaallada ay heshay Al-Jazeera oo laga qaaday saldhigga Itoobiya, ayaa muujinaya diyaarad u eg tan Shiinaha ay soo saaraan ee Drone-ka ah ee Wing Loong.

Dowladda Ethiopia ayaa kordhineysay dhowaanahan diyaardaha Drone-ka ee ay ka hesho Shiinaha iyo Turkey, si ay gacan sarreyn uga hesho Tigray-ga. Si kastaba, xannibaad la saaray warbahainta ayaa adkeysay in caddeymo loo helo illaa iminka.

Halkan hoose ka daalaco warkan Al-jaziir

https://www.aljazeera.com/news/2021/11/25/uae-air-bridge-provides-military-support-to-ethiopia-govt

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker