Dhaxal Sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan Oo Codsaday La Kulanka Madaxweyne Erdogan.

Diblomaasi sare oo Turki ah ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inta uu socda shirka G 20 ee Buenos Aires.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa jimcihii u sheegay CNN-Turk television in Turkiga aanu wax dhib ah u arkin kulanka labada mas’uul, isaga oo intaasi raaciyey in Erdogan uu gaadhi-doono go’aanka.

Shirkan G 8 oo 2 maalmood socon-doona, waxaa lagu wadaa inuu dhaco Nov. 30, haddii ay kulmaan waxaa uu noqon-doonaa isaraggoodii ugu horeeyey kadib dilka Jamaal Khashoggi, kaas oo lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul October 2, 2018.

C.I.A-da Mareykanka ayaa sheegtay in MBC uu ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi, taasi oo saameyn ku yeelatay sumcadda Bin Salmaan iyo isbadalkii uu raadin jiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker