Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wefti uu hoggaaminayo Oo Si Ballaadhan loogu Soo dhaweeyey Gobolka Gabiley

Gabiley (OWN)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Habane, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalo-madaxda Gobolka Gabiley.

Maamulka Gobolka Gabiley, Hoggaanka iyo xildhibaannada Golaha Deegaanka, masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Shacabka Magaalada oo ku gaashaamaan calanka Jamhuuriyadda Somailand iyo boodhadh lagu Xardhay weedho soo-dhaweyn ah iyo Sawirka Wasiir Habane, ayaa weftiga ku soo dhaweeyey duleedka Bari ee Magaalada Gabiley.

Weftiga Wasiirka Horumarinta Beeraha oo loo galbiyey gudaha degmada Gabiley, waxa munaasibad soo dhaweyn ah loogu sameeyey xarunta maamulka Gobolka, halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin xilal kala duwan ka haya Xukuumadda iyo siyaasiyiinta Gobolka Gabiley qaarkood.

Madax-dhaqameed, haween iyo Siyaasiyiin ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan isla markaana ku faraxsan yihiin Wasiir Axmed Maxamed Habane oo madaxweynaha Somaliland dhawaan u magacaabay xilka wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Wax-garadka, Dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka Gabiley, waxa ay sheegeen inay madaxweynaha uga Mahad-celinayaan magacaabista xilka wasiirnimo ee uu u igmaday Axmed Maxamed Habane oo ay ku tilmaameen aqoonyahan dhalinyaro ah oo siyaasi ahaan meteli kara Gobolka Gabiley, waxaanay Eebbe uga baryeen inuu ku asturo xilka qaran ee loo igmaday.

Weftiga Wasiirka ee maanta lagu soo dhaweeyey Gobola Gabiley, waxa ku wehelinayey oo soo dhaweynta qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac oo madaxweynuhu dhawaan xilka u magacaabay.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye iyo Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, ayaa soo dhaweeyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha, waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen xilalka uu u magacaabay masuuliyiintan oo ay ku tilmaameen aqoonyahanno karti iyo hufnaan shaqo ku suntan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md Axmed Maxamed Habane oo gebogabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa masuuliyiinta iyo shacabka Gobolka Gabiley uga Mahad-celiyey soo dhaweynta ay ku qaabileen, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inuu waxqabadyo muhiim ah ku soo kordhin doono Wasaaradda xilkeeda loo dhiibay, waxaanu shacabka ka codsaday inay ugu soo duceeyaan masuuliyadda xilka qaran ee loo dhiibay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ballan-qaaday inuu muhiimad gaar ah siin doono sidii guud ahaan gobollada Somaliland looga hirgelin lahaa nidaamyada Casriga ah ee beer-falashada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker