Maxaa Ka Cusub Wadaxaajoodkii Juventus Iyo Dybala Ee Hishiis Kordhinta?

Wada xaajoodkii u socday Dybala iyo Juventus ayaa lagu waramayaa in waddo xedhan ay galeen

Arinta ugu weyn ee labada dhinac isku fahmi weysan yihiin ayaa ah dhanka mushaarka xilli laacibka uu doonayo in loo kordhiyo mushahaarka.

Hishiiskiisa haatan waxa uu ku qaataa 6.2 milyan oo gini waxaana hishiikiisa ka harsan wax ka yar 12 , sidaa darteed Juve waxa ay ku qasban tahay in ay dadajiyaan in hishiis cusub ka helaan.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Dybala aanu diidaneyn in uu buuxiyo booskii uu baneeyay Ronaldo balse dhanka mushaarka ayuu diidan yahay

Juve waxa ay dooneysaa in laacibka ka saxiixdaan hishiis gaadhaya illaa iyo xagaaga 2025-ka ama ugu 2026-da , waxa uuna laacibkaan reer Argentina u dhaliyay Juve 101 gool ka dib 256 kulan oo uu saftay kooxdaas tan iyo markii uu ku soo biiray sanadii 2015-kii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker