Inay Dawlada Masar Hubsiiso Somalia Waa Edeb darro,, Wasiir Faratoon
Xukuumadda Somaliland ayaa Eedeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya, waxayna dambi iyo xad gudub sharci ku tilmaantay in Dowlada Masar ay Hub siiso Soomaaliya, iyadoo xustay inay Somaliland ahaan filayaan inuu Caalamku arintan wax ka qabto.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalilaand Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland aan marnaba laga qaban karin Doorasho ay Soomaaliya waddo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, oo uu xusay in aanay dal iyo dad midna aanay matalin.
“In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa, ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto”. ayuu yidhi Wasiir Faratoon.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Waa Edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan, Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh”