Weriyeyaasha Magaalada Muqdisho Oo Codsaday In Caddaaladda La Horkeeno Dadkii Dilay Wariye Jamaal Kaashuqji.

Muqdisho-(OWN)-Qaar kamid ah suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa codsaday in caddaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo bishii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Qaar kamid ah weriyeyaasha ka howlgala Muqdishu oo sita sawirka Khaashuqji

Koox Weriyayaal ah ayaa isugu yimid barxadda xarunta warbaahinta Goobjoog iyagoo sita boodhadh lagu xardhay sawirrada weriyaha Sucuudiga ee la dilay iyo erayo ay kamid ahaayeen Jamaal waa inuu helaa Caddaalad.

Maxamed Boosh oo kamid ah suxufiyiintii maanta ka qeyb galay isu soo baxa Muqdisho ka dhacay ayaa BBC-da u sheegay inay ka xun yihiin dilka weriyaha isla markaasna Soomaaliya ay kamid tahay meelaha weriyeyaasha ay dhibaatada kala kulmaan.

“Waxaan muujineynay sida aan ugu xunnahay, waxaanu qeyb ka nahay weriyeyaasha adduunka, Soomaaliyana waxay kamid tahay meelaha suxufiyiintu ay dhibaatooyinka kasoo gaadhaan, tiro badan oo weriyeyaal ah ayaa lagu dilayay ilaa 1991-kii, waanna mid kamid ah meelaha ugu halista badan ay weriyeyaashu ka howlgalaan” ayuu yidhi Maxamed Boosh.

Qaar kamid ah weriyeyaasha ka howlgala Muqdishu oo sita sawirka Khaashuqji
Qaar kamid ah weriyeyaasha ka howlgala Muqdishu oo sita sawirka Khaashuqji

 

Masaajido ku yaalla Sucuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee la dilay.

Jamaal Khaasuqji oo 2-dii bisha October lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul waxaan weli waxaan war ah laga haynin meydkiisa halka uu ku dambeeyey.

Imaam dadka tujinaya salaadda qaa'ibka ee Khaashuqji Istanbul looga dukaday

Boqortooyada Sucuudiga waxay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu ka soo baxay xubno ka tirsan sirddoonka Sucuudiga balse Dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxammed Bin Salmaan uu wax shaqo ah ku lahayn dilkiiisa.

Turkigana wuxuu ku adkeysanayaa amarka dilka Khaashuqjii inuu ka soo fulay madaxda ugu sarreysay boqortooyada Sucuudiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker