Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Muqdisho Ka furay Shir caalami Ah Oo Looga Hadlayo Ganacsiga.

Muqdisho-(OWN)-Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ย Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed ย Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay shirka Ganacsiga looga hadlaayo ee ย ka furmay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga iyo sidoo ย kale wadamada reer galbeedka ee Soomaaliya ka taageera dhanka ย dhaqaalaha.

Waxaa uu bilaawga shirka ka sheegay Wasiir Maareeye in la joogo ย xiligii Soomaaliya la maalgashan lahaa isagoo shirkadaha caalamiga ah ย ugu baaqay in ay kusoo dhiiradaan maalgashiga Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker