Booliska Kenya Oo Soo Saaray Magacyada xubno Kenyan ah oo Al Shabaab Ka Tirsan

Nairobi(OWN)– Dawlada Kenya ayaa shaacisay magacyada saddex ka mid ah Al-Shabaab oo ay sheegtay in ay hubeysan yihiin khatarna ku yihiin Muwaaddiniinta Kenyaanka ah.

Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Abdalla Omar Masudi, Ismael John Otieno iyo John Muasya oo ku magac dheer Yahya Muasya.

Raggan ayey dowladda Kenya sheegtay in ay ka soo kala jeedaan Gobollada Mombasa iyo Kwale ee dalka Kenya.

Booliska waxa ay sheegeen in Guriga Cabdalla ay weerareen 12-kii Bishan, kana soo heleen Qori AK47 ah, iyo 30 Xabbo oo rasaas ah.

Ismael iyo Yahya ayey Boolisku sheegeen in markii ugu dambeysay lagu arkay degaanka  Bombolulu, ee Magaalada Mombasa, Bishii October ee la soo dhaafay.

Sanadkii 2016-kii ayaa lagu xiray Lamu, waxaana la siidaayay muddo kaddib markii lagu waayay caddeymo ku filan, markaas oo lagu helay in ay u safreen Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker