Waaxda Sirddoonka Mareykanka Oo Ku Eedaysay Dilka Wariye Jamal Kaashugji Maxamed Bin Salmaan.

Waaxda sirddoonka Mareykanka ee CIA ayaa rumaysan in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu kasoo baxay amarka lagu dilay weriye Jamaal Kaashugji, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

Dadka dhaliila waxay aaminsan yihiin in dhaxal sugaha uu dilka wax ka ogaa

illo wareedyo ku dhaw waaxdan ayaa faahfaahin ka bixiyay qiimaynta lagu sameeyay caddeymaha la hayo.

Waxay sheegeen inaysan garaneynin cidda dambiga gaysatay balse ay filayaan in howlgalka noocaasi ah ee lagu dilay Jamaal uu ahaa mid isaga uu qalinka ku duugay.

Shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay.

 
Dhaxal Sugaha Sacuudiga ayaa la kulmay wiilka Khashogg, ee Salah.

Hilbihii ayaa loogu dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.

 

“Khaashuqji ayaa lagu duray cirbad sun ah, ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar” ayuu ku sii daray.

2 Oktoobar ayey ahayd markii ugu dambaysay ee la arko Khaashuqji

Dowladda Sucuudiga waxay beenisay eedeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa qorshaha lagu dilay Kaashugji.

Weriye Jamaal Kaashugji ayaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilaya gudaha qunsuliyadda Istanbul, ilaa iyo haataan meydkiisa lama helin.

Turkiga wuxuu ku adkeysanayaa in amarka lagu dilay Kaashugji uu kasoo baxay taliska ugu sarreyo Sucuudiga.

Waxaa dalka Sucuudiga ka socdaa Salaatul qaa’ib lagu tukanayo maydka Jamaal Kashuugji.

Xigasho:- BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker