Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka oo dalbaday $2.6 bilyan oo gargaar ah

Dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimo ayaa maanta ku dhowaaqay inay u baahan yihiin adduun dhan 2 bilyan iyo 600 milyan oo dollar oo wax lagagaga qabto xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya sannadkan 2023-ka.

Hay’adaha ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu gargaari doono dad dhan 7 milyan iyo 600 kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya.

Waxay sheegeen hay’adaha gargaarku in dad dhan 8 milyan iyo 250 kun oo qof oo Soomaali ah oo u dhiganta ku dhowaad kala bar dadka Soomaalida ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo naf badbaadin ah, waxayna ka digeen in macluul ay suurtogal tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker