Laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidammada Badda PMPF Ee Puntland Oo Lagu Dilay Boosaaso.
Boosaaso-(OWN)-Labo askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa u geeryooday toogasho ka dhacday magaalada Boosaaso oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ciidanka badda Puntland.
Dilkan waxaa ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan ciidanka badda Puntland,kaddib kaftan dhexmaray askartan oo xilliga uu dilku dhacayay ku wada sugnaa goob lagu qayilo, iyadoo askariga dilka gaystay uu carooday sidaasina dilka ku gaystay, sida ay baahisay idaacadda maxalliga ah ee Daljir.
Askariga dilka geytay ayaa lagu xidhay magaalada Boosaaso,majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidammada badda ee askartan ay ka tirsanaayeen oo ku saabsan dhacdadan.
Ciidammada badda Puntland ee PMPF ayaa waxaa dhaqaale ku bixiya dowladda Imaaraatka Carabta, waxaana sidoo kalle ay qayb ka qaataan dagaalka ay Puntland kula jirto al-Shabaab iyo Daacish.
