Danjire Aadan Muuse Jibriil Oo Ka Hadlay Magacaabista Faratoon Ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Magacaabistaย  Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale.

Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii

Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : โ€œSovereign Ministerial Postsโ€, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hayโ€™adaha loo yaqaan โ€œSovereign State institutionsโ€™โ€™, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta โ€˜โ€™Siyaadada dawladnimadaโ€™โ€™.

Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin

By Adam Muse Jibril

adamjibril@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker