Nin dalka Canada ku dilay afar qof oo isku qoys ah

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dhageysatay dacwad loo haysto nin lagu eedeeyay in uu afar qof oo isku qoys ah oo Muslimiin ah ku dilay magaalada London ee koonfurta Ontario.

Wiilkan Canadian-ka ah oo lagu magacaabo Nathaniel Veltman ayaa shalay la horkeenay maxkamad, waxaana qareenadiisa iyo goobjoogayaasha mucaaradka ay soo bandhigeen doodahooda xeerbeegtida.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in Mr. Veltman uu doonayay in uu cabsi ku dhex faafiyo dadka Muslimiinta ah, isagoo dadkan laayay, balse qareenada u doodayay ayaa sheegay in qofka uu u doodayay uu qabo xanuun dhanka dhimirka ah.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada u sheegay in Nathaniel Weltman uu qorsheeyay in uu diro fariin naxdin leh oo ah in dhamaan muslimiinta ay ka werweraan amaankooda. Mr. Veltman, oo 22 jir ah, ayaa loo haystaa dilka afar qof iyo isku day dil.

Waxa uu sidoo kale wajahayaa eedeymo la xiriira argagixisanimo, sababtoo ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, waxa uu beegsaday xubnaha qoyska Muslimka ah diintooda darteed.

Hadda garsoorka ayaa ka fiirsanaya kiiska Weltman, haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi daa’in.

Arrinkan, qareennada iyo dacwad-oogayaasha Mr. Veltman ayaa isku raacay inuu baabuur ku dhuftay xubnaha qoyskan Muslimka ah bishii June 2021. Veltman laftiisu ma aqbalayo dacwadda lagu soo oogay wuxuuna sheegay inuu la ildaran yahay xanuunka dhimirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker