Daawo:- “Geeska Africa Waxa Uu Yeelan Doonaa Hal Madaxwayne” Dr Abiy Ahmed Raysal-wasaaraha Ethiopia.
Bahir Dar-(OWN)-Raโiisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Geeska Afrika ay yeelan doonaan hal madaxweyne halka ay hadda maamulaan Saddex Madaxweyne xilli uu qudbad ka jeedinayay munaasabad lagu furayay isbitaal magaalada Bahir Dar.
Xilliga uu khudbada jeedinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ka qeybgalay shir saddex geesood ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Bahir Dar.
Hase yeeshee Raโiisul Wasaaraha Itoobiya ayaan cadeyn xilliga ay midoobi doonaan saddexdan dal balse waxa uu sheegayโMustaqbalkaโ
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay xilli uu ka hadlayay magaalada Gondor in Taariiqda Geeska Afrika ay isbedeshay.
โHadda waxa aan u dhaqaaqeynaa wax wada qabsi goboleed taasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha si loo xaqiijiyo in saboolnimada laga baxo.โ
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdulaahI Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Itoobiya.
https://www.youtube.com/watch?v=TzZ9S-AyLMc&feature=youtu.be