Soomaalida Minnesota & Guulahii Ay Ka Gadheen Doorashooyinkii Shalay Dhacay + Akhriso Faah-faahinta.

Minnesota-(OWN)-Doorashadii la sugaayey ee xiliga dhaxe dalka Maraykanka ayaa soo gabagabooday , waxaa guulaystay 4 qof oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashadii,

Ilhaan Omar waxay noqonaysaa gabadhii ugu horeeysay oo Qoxootinimo ku timaada dalkaan oo ka mid noqota Xildhibaanimada aqalka hoose ee Congress-ka Maraykanka.

Hodan Xasan & Maxamud Nuur ayaa iyaguna ka mid noqonaya Xildhibaanadda aqalka hoose ee gobolka Minnesota ,Siyad Cali oo isaguna mar labaad loo doortay gudiga Waxbarashadda Minneapolis.

Doorashadii aad ka loo daneenaayey ayaa aheyd tan Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota oo uu u tartamaayey Keith Ellison oo ahaa ninkii muslimka ahaa ee ugu horeeyey ee ka mid noqda aqalka Congresska Maraykanka , waxayna dadka Minnesota khaasatan Soomaalida u aheed guul la mida tan ilhaan , waayo waxaa la tartamaayey Doug Wardlow oo la sheegay in uu ahaa nin la siyaasad ah Madaxwayne Trump iyadoo dadka Soomaaliyeed ee Minnesota dagana badidood codkooda ugu hiiliyeen Keith Ellison .

Natiijada sawirka soolida maraykan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker