Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Gaadhay Deegaannadii Lagu Dagaallamay Ee Gobalka Sool.

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaadheen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo doonaya iney kala dhexgalaan beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Ciidamadan ayaa tagay sida la sheegay deegaannada Dhumay iyo Saax-dheer, halkaasi oo dagaallo culus ay ka dhaceen.

Waxay ciidamadaan la socdaan Garaad Kulmiye oo ah nabadoonka Somali State oo dhowaan isna yimid gobolka Sool si nabad loo kala dhex-dhigo beelahan.

Dhowaan ayeey ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay iney soo dhoweynayaan cid walbo oo nabad ka dhex dhalineysa beelahan ku dagaallamay Sool.

Xigasho:- Goobjoog News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker