Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Ka Hadalay Gadiid Ay Leedahay Oo La Dhacay

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay weerar lagu qaaday kolonyo gaadiida oo ay leedahay Qaramada midoobay oo lagu weeraray inta u dhaxaysa Gaalkacayo iyo Cadaado 3dii bishaan November, kolanyadaan oo ay la socdeen qaar ka mida shaqaalaha qaramada midoobay ayaa ku wajahnaa Dhuusa mareeb iyagoo gogol xaar u ahaa booqashada madaxda qaramada midoobay balse waxaa joojiyay malayshiyaad hubaysan oo sheegtay in ay booliska ka tirsan yihiin, markii ay damceen in kolanyadu ay ku laabato Gaalakacayo oo ah halkii ay ka yimaadeen ayaa waxaa rasaas ku furay mid ka mida gawaaridii ay malayshiyaadku wateen.

“Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Ugu danbay Haysom wuxuu ku baaqay in shaqaalaha Qaramada midoobay ay heleen marino xor ah oo ay si nabad gelyo ah ugu safri karaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker