Dowladda Somaliya Oo War kasoo Saartay Xaalada Ardayda Somalida Ee ku Nool Shiinaha.(Coronavirus)

Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa  faah faahin guud ka Bixisey xaalada Muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan oo ah Magaalada uu ka bilaawdey Cudurka Coronavirus.

 

Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuurgaleen Xaalada Caafimaad ee muwaadininta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada Wuhan ee Dalka Shiinaha,isl markaana xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

 

Waxaa kaloo safaraadu sheegtay in ay iska warqadaan Soomaalida ku nool Magaalada Wuhan oo gaaraya 50 Ruux iyo Mas’uuliyiinta Safaarada,isa markaana ay sii wadi doonaan ka warqabka muwaadiniintooda.

Hoos Ka Akhriso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker