Kolonyo Gargaar Sidday Oo Ay Leedahay Qaramada Midoobay Oo Gaadhay Xero Barakacayaal Oo Ku Taal Dalka Suuriya.

Kolonyo gargaar ah oo ay leedahay Qaramda Midoobay ayaa waxaa u suuragashay inay gaaraan xero ku taal waddanka Suuriya halkaas oo ay ku nool yihiin 50 kun oo qof oo ka soo baracakay colaadda ka aloosan dalkaasi, goobtaas oo ah xadka lama dagaanka ah ee u dhaxeeya dalalka Suuriya, Urdun iyo Ciraaq.

Xerada Rukbaan ayaanan wax gargaar ah la gaarsiin sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo kolonyada gargaarka siddayna ay inay gaaraan xeradaasi ka horjoogsanayeen dhinacyo kala gadisan.

Kolonyadan baaburta ah oo ka badneyd 70-ka baabuur ee sidday gargaarka ayaa ka soo kicitintay magaalada caasimadda ah ee Dimishiq iyadoo lagu soo raray cunno iyo maryo ay xirtaan kumanaan caruur ah.

Waxaa kale oo ay kolonyadu waddaa alaab loogu talagalay carruurta mar dhaw dhashay iyo daawooyin tallaal ah oo halkaas laga fulin doono.

Xerradan barakacayaasha ee Rukbaan ayaa waxa ay ku taal dhul lama degaan ah oo fog. Tobbanaan kun oo qxooti ah ayaa ku xayirmay go’doominta ay ciidammada Suuriya ku hayeen dhinac ka mid ah xeradaasi, halka xadka Urdunna uu dhinaca kale ka xiran yahay.

Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa in ka badan labo sano waxay ku noolaayeen guryo cooshado ka samaysan.

Ugu yaraan 12 qof ayaa isbuucyaadii lasoo dhafay u geeriyooday gaajo iyo daawo la’aan iyadoo xilliga qaboobaha uu ka bilowday saxaraha.

Kolonyadan ayaa la filayay in ay gaaran xeradda qaxootiga ee Rukbaan 27kii Oktoobar balse gargaarkaasi ayaa loo hakiyay sababo ammni awgeed.

Qaramada midoobay ayaa ku qiyaasaysa in 80% dadka ku xayiran xerada Rukbaan ay yihiin carruur iyo dumar halka hay’addaha gargaarkana ay sheegayaan in dumarka uurka leh ay ku dhalaan xerada iyagoon haysan daweynta asaasiga ah.

Gargaarkan oo ay si wada jir ah u wadeen Qaramada Midoobay iyo hay’adda Laanqeyrta Cas ee Suuriya ayaa xerada gaaray maalinkii Sabtida ahayd.

Dadka xerradan ku sugan ayaa goobtaasi gaaray dabayaaqadii sanadkii 2015 kaddib markii ay kasoo carareen goobaha ay horaan gacanta ugu hayeen ururka la baxay Dowladda Islaamka ah.

Rajadooda ayaa ahayd inay ka talaabaan xadka Urdun oo horaan u qaabishay 670 kun oo qof oo ka mid ah qaxootiga Suuriya tan iyo markii dagaalka u bilawday sanadkii 2011-ka, balse boqortoyadda Urdun ayaa xirtay marinka u dhaw Rukbaan sanadkii 2016ka kaddib markii lix ka mid ah ciddamadeeda lagu dilay qarax ay kooxda IS sheegatay inay ka dambeysay.

Wixii intaasi ka dambeyay Urdun ayaa ku adkeysatay in xerada barakacayaasha Rukbaan gargaarka looga soo daabulo gudaha dalka Suuriya balse waxay mararka qaarkood ogolaatay in kaalmada gargaar xadkeeda la marsiiyo tan iyo bishi kowaad ee sanadkan.

Bishi aynu soo dhafnay ayuu go’ay rashiinkii loogu talagalay xeradaasi kaddib markii dowladda Suuriya lagu soo warramay inay xireen dhamaan wadooyinka xerada Rukbaan soo gala markii lagu guuldaraystay wadahadal lagu heshiisiinyay iyaga iyo kooxaha falaagada ee degaankaasi.

Qaramada midoobay ayaa ku qiyaasaysa in 80% dadka ku xayiran xerada Rukbaan

Xigasho:-= BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker