Dawladda Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta.

Muqdisho-(OWN)-Dawladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta, taas oo hoos u dhigaysa saamiga dadka shaqo la’aanta ah.

war lagu qoray bogga safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Jarmalka oo ka qaybqaadanaysa dib u kabashada Soomaaliya ay 5-milyan oo Doller ku bixinayso mashaariic loogu talagalay in lagu hormariyo farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la hormarinayo islamarkaana la furayo dugsiyo loogu talo galay Farsamada gacanta, taas oo shaqo abuur u noqon doonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood naftooda halis u galiya Tahriibka.

9-kii October ee sanadkan Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaadhay laba heshiis oo dhinaca tababarada faramada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo heshiis kale oo ku saabsan iskaashiga maaliyadda iyo dawlad wanaagga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker