Khubarada Hawada Oo Xogo Mucjiso Ah Ka Soo Saaray Dayax Madoobaadkii Xalay
Dayax Madoobaad midabkiisu casaan yahay ayaa maanta oo Jimce ah dunida meelo kala duwan laga dheehanayaa. Cidhifka Koonfur Afrika Illlaa Moscow, Sydney oo Australia ah illaa Argentine dadku waxa ay wada eegayaan muuqaalka dayaxa oo midabkiisu casaan noqday halka waddanka Sucuudi Carabiya uu dayax madoobaadkan dadka ka qariyey dabaylo siigo wata oo cirka isku shaqlay oo aanay dadku dayaxba arkayn halka dalal badan oo Yurub ah daruuro biyo xambaarsani ka qarinayaan.
8:22 daqiiqo ee wakhtiga GMT ayaa dayaxu is baddalayay halka Geeska Afrika sagaalkii iyo dheeraad uu is baddalayay isaga oo kolba qaybi soo casaanaysay ama guduudanaysay.
Sida ay sheegayaan khubarada cilmiga meerayaasha iyo cirku waxa uu noqon doonaa dayax madoobaadkani kii ugu dheeraa qarnigan 21aad. Waxa ay sheegayaan khubaradani in afar saacadood uu noqon doono mid madaw.
Khubaradani waxa ay sheegeen in dayax madoobaad sidan oo kale ah la filan karo 100 sano kadib qarniga 22aad marka laga hadlayo wakhtiga dheer ee uu madoobaa iyo qaabka uu noqday.