Shuruudaha Tartanka Madaxtinimada Koofur Galbeed Oo La Soo Saaray +Akhriso.

Baydhabo-(OWN)-Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay ilaa 9 qodob oo ah shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya murashaxa madaxweyne ee maamulka.

Doorashada koofur galbeed waxay dhici doontaa 17 Nofembar

Shuruudaha ayaa kala ah.

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabiun xaas ajnabi ah.

2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3- Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano.

4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- In Dhimirkiisu dhan yahay.

6- In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Qaar ka mid ah murashaxiinta koofur galbeed
Qaar ka mid ah murashaxiinta koofur galbeed

Wuxuu kaloo guddigu soo saaray jadwalka loo marayo doorashada, sida diiwaangelinta murashaxiinta, shirarka guddiga doorashooyinka, iyo hadal jeedinta murashaxiinta.

Doorashada waxaa ka qayb galaya dhowr iyo toban murashax oo ay ku jirto hal gabar – Aamino Maxamed Mursal – waxaana murashaxiinta ka mid ah madaxweynaha maamulka haya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qodobbada uu soo saaray guddiga ayaan la ogayn sida ay u saamayn doonaan murashaxiinta qaarkood, iyo in ay u hogaansami doonaan.

Shalay ayey ahayd markii warbaahinta maxalliga qaarkood ay sheegeen in loo ogolaaday Mukhtaar Roobow oo hore u ahaa mas’uulka labaad ee ugu sarreeya Al Shabaab uu u tartami karo madaxtinimada Koofur Galbeed.

Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in doorashadan ay muhiim u tahay maamul goboleedyada dawladda ku kacsan iyo xukuumadda federaalka, kuwaasoo si aan toos ahayn isugu bowdyo-qaawinaya, kuna dhex loollamaya doorashadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker