Muxuu Daarnaa Kulan Qarsoodi Ahaa Oo Hargeysa Ku Dhex Maray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Siyaasiga Caanka Ah Ee Maxamed Cabdi Gabboose.

Hargaysa-(OWN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay kulan qarsoodi ah la yeeshay Siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo in muddo ahba saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo intii Urur siyaasadeedkiisii UMADDU ku hadhay tartankii Ururrada Siyaasadda Somaliland doorashooyinkii sannadkii 2012.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulan siyaasadeedkan ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in shalay Galinkii hore ay kulan gaar ah yeesheen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyada oo ay xogahani tibaaxayaan in Madaxweyne ku xigeenku isagu ahaa masuulka siyaasiga booqashada ugu tagay, walina lama oga sababta keentay kulankaasi iyo waxa uu daarnaa toona.

Ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay balse dad ka ag dhawaa kulankaasi ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in Madaxweyne Ku Xigaanka Somaliland booqasho aan ujeedadeeda la ogayn ugu tagay Siyaasi Maxamed Cabdi Gabboose, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xukuumaddii Axmed Siilaanyo ahaana Guddoomiyihii urur siyaasadeedkii UMADDA kaasi oo in muddo ah aan ka soo muuqan fagaarayaasha siyaasadda inta badana muddooyinkii dambe ku koobnaa Cisbitaalkiisa tan iyo intii uu dib u habaynta ku sameeyey oo uu caasimadda Hargeysa ka furay Cisbitaalka weyn ee HALDOOR.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya wakhti Beesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Siyaasi Maxamed Cabdi Gabboose si weyn u saluugsan tahay xaaladda siyaasadeed iyo hogaamineed ee xisbiga KULMIYE muddo badana tabasho ballaadhan qabtay lamana oga in ay xukuumaddu siyaasigan u xodxodanayso in ay safkeeda ku soo darto si uu wax uga qabto ama ugu yaraan isugu soo jiiddo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Beesha Siyaasigu ka soo jeedo.

Dhawaan ayay ahayd markii xubno uu ka mid yahay Siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka tirsan xisbiga WADDANI kana mid ah siyaasiyiinta beeshu ka soo ag muuqday munaasabado dhawr ah madaxda xukuumadda oo la sheegay in ay muddooyinkii dambe isku san bannaanaayeen.

Siyaasi Maxamed Cabdi Gabboose ayaa xisbiga KULMIYE si dhaw ula soo shaqeeyey wakhtigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u ordayay doorashadii dalka ka qabsoontay 2010 ee uu talada dalka kula wareegay isaga oo kula heshiiyey wakhtigaasi in xukuumaddu ku taageerto hankiisii siyaasadeed ee ahaa in uu samaysto urur siyaasadeed, muddo kadibna uu u orday ururkiisii UMADDA oo uu ku fashilmay in uu u soo baxo heer xisbi, wixii intaasi ka dambeeyeyna laguma arag saaxadda siyaasadda.

Image result for saylici iyo gaboose

Xigasho:- Wargayska Foore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker