Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiirrada Arrimaha Dibada Ee Djabouti Iyo Somaliland

Jabuuti (OWN) – Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliand Dr. Sacad Cali Shire ayaa gaadhay Magaaladda Djabouti. Waftigan ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Djabouti, waxaana qoraal ah oo ku saabsan kulankaasi bogga uu ku leeyahay Facebookga soo dhigay Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan oo ah la taliyaha Arrimaha Bulshadda ee Madaxweynaha somaliland,

waxaana uu ku yidhi qoraalkaasi “Waxaanu maanta Xafiiskiisa kulan kula yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf, wefti uu hoggaaminaayo Wasiir Sacad Cali Shire. Xoojinta cilaaqaadka Labada Dawladood, iskaashiga dhaqaale,ganacsi iyo amni, isbedelada Gobolka, dhammaystirka heshiisyo hore loo gaadhey, ayaana Udub dhexaad u ahaa wada hadalkayaga. “Waxaana kulanka ka qaybgay galay, Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Dibada, Abdinasir A. Hersi, Danjire Abdifatah, iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Jamhuuuriyadda Somaliland Mudane Xuseen Kawaaliye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker