Jahawareer Ka Dhashay Gabdho walaalo Ah Oo Sucuudi ah Oo Maydkooda Laga Helay Daanta Webi U Dhaw New York.

New-York-(OWN)-Booliska magaalada New York ayaa waxa uu baadhayaa dhimashada laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay waddanka Sucuudi Carabiya kuwaas oo todobaadkii hore maydkooda laga helay Webiga Hudson iyagoo la isku xidhxidhay.

Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa waxaa maydkooda laga helay iyagoo is eegaya si buuxdana u labisan oo misana uusan wajigooda ka muuqan wax uur ku taalla ah, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Dambi baadhayaasha ayaa sheegaya in ay tahay xilli hore in wax go’aan ah laga gaadho haddii fal dambiyeed uu dhacay ama inay iyaguba isdileen.

Gabdhaha ayaa dhawaan waxa ay Mareykanka ka codsadeen magangalyo siyaasadeed, booliska ayaa yidhi.

Gabdhaha walaalaha ah ee ilma Faaric iyo hooyadood ayaa Sucuudi Carabiya ka soo guuray 2015-kii markaas oo ay dageen magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia, waxaana gabdhahaasi lagu yaqaannay inay gurigooda isaga baxsadaan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanku.

Hasayeeshee baadhayaasha ayaa sheegaya inay jahawareer tahay sababta maydkooda looga helay daanta webi 400 km u jira meeshii uu qoyskoodu deganaa.

Qunsulka Sucuudiga ayaa waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray in saraakiisha safaaraddu ay la xidhiidheen qoyska gabdhahaasi, waxa uuna intaasi ku daray in labada gabdhood ee walaalaha ah ay arday ahaayeen “oo ay u wehel yeelayeen walaalkood oo jooga magaalada Washington”.

Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa booliska magaalada New York, ayaa waxa ay sheegtay in maalin un ka hor inta aanan maydka gabdhahaasi la soo helin, uu hooyadood soo wacay sarkaal ka tirsan safaaradda Sucuudiga isagoo qoyska ku amray inay dalka isaga tagaan maadaama ay gabdhuhu Mareykanka ka dalbadeen magangalyo siyaasadeed.

Maydka gabdhaha ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxaa laga helay daanta webi iyagoo xidhan saraawiil iyo jaakado madow lagana xidhan dhexda iyo anqawyada.

Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa afka xiran maydkooda laga helay daanta Webiga Hudson

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker