Mareykanka iyo Somalia Oo Ka-wada Hadlay Duqeyn Ka Dhacday Sh/Hoose
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Kuunyo Barrow Shabeelaha Hoose lagu dilay xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Alshabaab.
Weerarkan oo dhacay khamiistii aynu kasoo gudubnay taariikhduna ku beegnayd 25-bisha October ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen xubno Alshabaab ka tirsan isla markaana lagu khaarijiyay guud ahaan xubnihii saarnaa sida lagu xusay warka qoraalka ah.
Inkastoo aan la shaacin magacyada ragga duqeynta lagu dilay ayaa hase ahaatee Warar soo baxaya ay sheegayaan in diyaarad Drones-ah bartilmaameedsaday gaari marayay agagaarka Kuunyo barow oo ah deegaan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Alshabaab ayaan ilaa iyo hada wax war ah kasoo bixin oo ku aadan sheegada Mareykanka ee ku aadan duqeyntan ay ku dileen xubno kamid ah dagaalamayaashooda.
Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyntan ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ,waxaana war kasoo baxay hayβadda Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA lagu xaqiijiyay weerarka lagu dilay xubnaha ka tirsan ALshabaab.
βXubin sare oo Al-Shabaab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed, Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabkaβayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxaana sanadkan gudihiisa la diiwaan geliyay ku dhawaad 30 duqeymood oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka fuliyeen baramaha iyo koonfurta Soomaaliya.




