Qormadii 2 and: Astaamaha Madaxweynaha Dibu-socodka ah

Qormadeenii shalay waxaynu kaga hadalay Astaamaha uu leeyahay Madaxweynaha wanaagsani, maantana aynu eegmo kooban Ku halacsano astaamaha Madaxweynaha Dibu u socodka ah:
1. Ma laha aragti iyo Nadariyad qowmi ah oo uu wax Ku hago
2. Inta badan wuxuu xooga saaraa kala qaybinta Bulshada si ay ugu fududaato kusii waaritaanka kursiga
3. Keligii teliye ay madax martay kursi jacayl iyo dhaqaale urursi
4. Aad isula weyn, una hamuuma amaanta
5. Wuxuu aad uga durka dadka ahlu xikamka iyo aqoonta u saaxiibka ah
6. Inta badan waxaa ka ag dhow kuwa aan aragti qaran lahayn oo maadiyiin iyo indhow-garad u badan
7. Aad bu u neceb yahay dhaliilaha toosinta Ku salaysan, wuxuuna u nugul yahay aqbalaada afkaaraha ka gedisan kuwiisa
8. Wuxuu inta badan jecel yahay inuu ka muuqaal iyo nolol ahaanba duwanaado bulshada uu xukumo
9. Ma laha awooda iyo kartida dhegaysiga we Ku Aadan aragtiyaha dadka kale, wuxuuna ka hortagaa isagoo haliilaya ka hor dhamaadka dooda dhanka kale
10. Wuxuu abuuraa hanaan iyo Nidaam aan hufnayn oo musuq, eex, qaraabakiil iyo caddaalad daro u saaxiiba
11. Sharciyadda dalka wuxuu ka yeelaa tuul ilaaliya maslaxadiisa, kuna dumiyo maslaxaddaha kuwa aragti ahaan kasoo horjeeda
12. Ma laha awood caqli oo Ku hanto cuquusha kasoo horjeesata afkaarihiisa, taas cakiskeedana wuxuu miciin bidaa cabudhin, Xoog wax Ku muquunin, jidh dil iyo xabsi gelin
13. Gebagabada cimriga hogaamintiisa, wuxuu ka tagaa umad qaybsan oo isu cadow ah, sabool ah, iyo dal burbursan oo dunida kale dawaraada

Qalinkii: Mr Hussein M Mohamoud (Hussein-Lucky)

Buraco, Email, husseinlucky@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker