Is-rasaasayn Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Xamar

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa soo geba-gabeeyay iska horimaad gelinkii dambe ee maanta ka bilowday Xabsiga Dhexe ee Xamar, ka dib markii maxaabiista qaarkood ay gacanta ku dhigeen hub.

Maxaabiistan oo ka tirsan Shabaabkii Xabsiga Dhexe ku xidhnaa ayay u suurtagashay inay dilaan mid ka mid ah Ciidanka Asluubta, sidaasina ay hubka gacanta ugu dhigeen. Maxaabiista ayaa la soo sheegaya in hubka gacantooda galay uu yahay hubkii Ciidanka Asluubta ee xabsiga ilaalisa.

Tirada rasmiga ee maxaabiistaasi oo aan si dhab ah looga warqabin ayaa hal saac ka dhex dagaalameysay Xabsiga Dhexe, illaa markii dambe kaga soo biiraan Ciidanka Haramcad, Xoogaga Haramcad ayaa la soo sheegaya in intii ay hawlgalka wadeen inay toogasho ku dileen afar ka mida maxaabiistii xabsiga ka dhex dagaalameysay.

Sidoo kale waxaa jira dhawr qof oo kale oo shacab iyo askarba leh oo ku dhintay iska horimaadkaasi, Ciidan fara-badan oo kuwa dowladda ah ayaa iminka ku sugan wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe, iyagoona wadooyinkaasi ku jaray gaadiidkooda dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan weli ka hadlin iska horimaadkan, oo noqonaya kiisii ugu horeeyay ee ka dhaca xabsiga ugu weyn Magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker