Halista COVID 19 iyo Mooganaanta Dabaaldegga Ciidda! Qalinkii Axmed Omaar

Cudurkan lamagac baxay COVID-19 ee uu dhaliyo caabuqa coronavirus oo loo aqoonsaday masiibo saf mar ah oo dunida oo dhami la kacaa kufayso xakameyntiisa, ayaan wali ilaa imika wax daawo ah loo helin; marka laga reebo dedaallo ka hortag ah oo lagu xakamaynayo faafida xanuunkan aafeeyey dunida.

Bilihii u danbeeyey, dawladdo badan oo caalamka ka mid ah ayaa qaadey talaabooyin ay bulshadooda ku qasbeen iney gabi ahaanba ku xayirnaadaan guryahooda muddo cayiman isla markaana ay joojiyeen macaamillaadkii dhanka Ganacsi iyo isu socodka bulshada wadamada xanuunkani sida ba’an u asiibey; si loo yareeyo faafida xanuunkan dunida ku cusub.

Haddaba, dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan la itaal ahayn dawladaha horumarka iyo dhaqaaluhu u saamaxay iney bulshadooda ku xayiraan guryahooda; ayaan yareysan dedaalo wacyi galineed oo lagu xakameynayo xanuunkan maalinba maalinta ka danbeysa ay soo if baxayaan xaalado hor leh oo kusoo badanaya gobolada kala duwan ee Somaliland.
Horaa loo yidhi wadhaf iyo shimbiro war iskuma hayaane, shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaan wali u bislaan halista caabuqa coronavirus iyo xawaaraha uu ku aafeynayo bulsho kasta oo ka dhago adeygta fariimaha qaylo dhaanta ee bahda caafimaadka iyo xukuumadoodu la garab taagan tahay.

Iyadoo tirada xaaladaha dhimashada ee uu galaaftey caabuqa coronavirus isa soo tarayo, ayaan wali wax lataaban karo iska badalin suuqyada ganacsi ee magalaada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba, dadkuna ay ku xoonsan yihiin iibsiga dharka iyo agabka kale ee ay ku muujinayaan farxadda damaashaadka Ciid-Al-Fitri ee fooda inagu soo haysa.
Haddii sidii caadiga ahayd loo ciido, waxaa hubaal ah faafida xanuunkani inuu xadhkaha goosan doono inoona horseedi kara naf la carar iyo masiibo la mid ha wadamada bukaankii uu xanuunkani soo ritey u waayey sariiro qaada, maydadkii buux dhaafiyeen xabaalihii, shaqaalihii caafimaadkuna gacmaha iyo maskaxdaba ka daaleen, kaliya la maqlayo dhawaqa ambalaaska iyo baroorta kuwa geeriyeysan. Ilaahay inagama yeelee.

 

Xalku muxuu ku jiraa?
Belaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh. Waa in badbaadinta ummadda wax kasta laga horaysiiyaa sida ay diinteena suuban ina farayso. Waa in foojignaanta iyo xakameynta faafida xanuunkan mudnaanta kowaad la siiyaa.
Haddaba waxaa lama dhaafaan ah in;
⦁ Xukuumadda iyo Guddida ka hortagga COVID -19, waxaa la gudboon iney dedaal dheeri ah geliyaan sidii ay u yarayn lahaayeen saxmadda suuqyada iyo ciriiriga bulshada kala duwan ee isu diyaarineysa debaal dega ciidda.
⦁ In loo hogaan samo talaabo kasta oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada.
⦁ Maalinta Ciidda waxa lagama maarmaan ah in lagu tukado guryaha.
⦁ In wacyigelinta la xoojiyo lagana wadda qayb qaato.
⦁ In gabi ahaanba la xidho maqaaxiyaha, garoonada, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto maalmaha ciiddaha iyo goobaha kala duwan ee dhalintu ku caweyso.
⦁ In farxadda ciidda lagu dabaaldego guryaha.

 

 

Ugu danbeyn, ka hortaga iyo bad-baadinta nafta ayaa waxkasta ka horeeya.

Qalinkii Axmed Maxmed Axmed (Axmed Omaar)
hiigsifog@gmail.com
Hargeysa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker