Internet xumo laga soo sheegay wadamada Bariga Afrika

Dadka internet-ka isticmaala ee jooga dalalka Kenya, Tanzania iyo Ugandha ayaa ka cabanayay internet xumo, iyadoo shirkaddaha bixiya adeegaasina ay qireen in dhibaato jirto.
Waxay sheegeen in ay ku jiraan sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatadaas.
Arintan ayaa ka dhalatay cilad ku timid mid kamid ah xadhkaha badda hoostooda mara, kaas oo gobolka ku xidha dunida inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay Ben Roberts oo ah khabiir internet-ka ah.
Internet xumadaas oo kale waxa bishii Marcho laga soo sheegay wadamo ku yaala Galbeedka iyo Koonfurta Afrika.
Raadaarka Cloudflare oo la socda dhaqdhaqaaqa internetka, ayaa sheegay in Tanzania ay tahay dalka uu sida xun u saameeyay, isagoo 30% uu hoos uga dhacay heerkii la filayay.
Wargeyska Citizen ee wadanka Tanzania ayaa ku qeexay wixii dhacay go’itaan internet oo saameeyay inta badan xidhiidhada kanaalada.
Airtel Kenya ayaa macamisheeda kenya u sheegtay in kooxdooda farsamayaqaanada ah ay ka shaqeynayaan cilad bixinta, iyagoo raali galin siiyay.
Shirkadda Safaricom, oo sidoo kale ku taala Kenya ayaa sheegtay in ay la kulantay ciladan.
Airtel Ugandha ayaa iyana sheegtay in ay ka warheyso cilad ka jirta adeega internet-ka.
MTN Rwanda ayaa iyana soo werisay culeysyo ka jira internet-ka.
Wadamada kale ee arintan saameysay waxa kamid ah Mozambique iyo Madagascar sida laga soo xigtay Raadaarka Cloudflare.
Sarkaal, oo ka tirsan shirkadda pan-Africa company Liquid Intelligent Technologies, ayaa sheegay in uu xaqiijiyay in xadhig mara xeebaha Bariga Afrika oo loo yaqaano Eassy uu ka go’ay aroornimadii hore ee Axadda meel 45km waqooyi uga beegan magaalada dekadda leh ee Koonfur Afrika ee Durban

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker