Dawladda Rwanda ayaa dafirtay eedeymo la xiriirra in ay hubeysay koox mucaarad ah oo weerar bambaano ka geystay magaalada Bujumbura Jimcihii, halkaas oo daraasiin dad ah ku dhaawacmeen. Ugu yaraan 38 ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Burundi Pierre Nkurikiye. ‘’ Argagixisadan waxa qoray, tababarray isla markaana hubeeyay Rwanda,’’ ayuu intaa ku daray Mr Nkurikiye. Dawladda Rwanda ayaa iska diiday eedeymahaas Axadii, iyadoo sheegtay ‘’in aysan wax xiriir ah la lahayn’’ weerarka isla markaana ‘’aanay jirin sabab ay ugu lug yeelato’’. ‘’Waxan ugu baaqaynaa Burundi in ay xaliso arimaheeda gudaha iyo in aanay kula soo galgalan Rwanda xaaladahan,’’ ayaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska afhayeenka dawladda. Kooxda lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ee Red Tabara, ayaa sidoo kale iska diiday masuuliyadda weerarka, waxayna sheegeen ‘’in aanay weerarin rayidka aan waxba galabsan’’. Xiriirka u dhaxeeya Rwanda iyo dalalka ay dariska yihiin ee Burundi iyo Koongada dimoqaraadiga ayaa sii xumaanayay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo labadan wadan ay ku eedeeynayeen Rwanda in ay maalgaliso kooxaha mucaaradka ee wadamadaas weerara. Rwanda waxay si ku celcelis ah u diiday eedeymaha loo soo jeediyay

Tirada dadka ku dhintay dhismihii ku dumay Isniintii hore magaalo xeebeedka George ee dalka Koonfur Afrika ayaa gaartay 24 qof, sida masuuliyiinta magaaladu sheegeen.

Dadaallada gurmadka ayaa wali socda, iyadoo la soo saaray illaa 28 qof oo ku hoos jiray burburka dhismaha.

Dadka wali ku hoos jira burburka waxa kamid ah Florence Kawunga, oo ah haweeyney 19 jir ah oo ka shaqeyneysay nadaafadda, sida ay ehelkeedu u sheeegeen bog gaar loo leeyahay oo la yiraahdo NEWS24.

29 qof ee laga soo badbaadiyay dhismah ayaa 13 kamid ah wali waxa lagu hayaa Isbitaalka.

Sababaha keenay burburka dhismaha ayaa la baarayaa.

Kooxaha gurmadka waxa kamid ah 200 oo qof oo wata eeyaha wax uriya iyo gawaarida culus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker