Rwanda oo iska diiday in ay taageerto koox mucaarad ah oo weerar ka gaysatay Burundi

Dawladda Rwanda ayaa dafirtay eedeymo la xiriirra in ay hubeysay koox mucaarad ah oo weerar bambaano ka geystay magaalada Bujumbura Jimcihii, halkaas oo daraasiin dad ah ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 38 ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Burundi Pierre Nkurikiye.

‘’ Argagixisadan waxa qoray, tababarray isla markaana hubeeyay Rwanda,’’ ayuu intaa ku daray Mr Nkurikiye.

Dawladda Rwanda ayaa iska diiday eedeymahaas Axadii, iyadoo sheegtay ‘’in aysan wax xiriir ah la lahayn’’ weerarka isla markaana ‘’aanay jirin sabab ay ugu lug yeelato’’.

‘’Waxan ugu baaqaynaa Burundi in ay xaliso arimaheeda gudaha iyo in aanay kula soo galgalan Rwanda xaaladahan,’’ ayaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska afhayeenka dawladda.

Kooxda lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ee Red Tabara, ayaa sidoo kale iska diiday masuuliyadda weerarka, waxayna sheegeen ‘’in aanay weerarin rayidka aan waxba galabsan’’.

Xiriirka u dhaxeeya Rwanda iyo dalalka ay dariska yihiin ee Burundi iyo Koongada dimoqaraadiga ayaa sii xumaanayay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo labadan wadan ay ku eedeeynayeen Rwanda in ay maalgaliso kooxaha mucaaradka ee wadamadaas weerara.

Rwanda waxay si ku celcelis ah u diiday eedeymaha loo soo jeediyay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker