Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Khudbad ka jeediyay Jaamacadda Oxford University Ee UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa shalay Khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadeed ee Somaaliya ka jeediyay Xarunta Jaamacadda University of Oxford ee UK.

 

“Khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadeed ee Somaaliya ayaan ka jeediyay Xarunta Jaamacadda University of Oxford ee Magaalada London, waxaana ay nagu amaaneen madaxda Jaamacadda dadaalka aan ugu jirno horumarinta iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadda Dalka”.ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda XFS.

 

“Waxaan khudbad ku saabsan dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka uu ku sii talaabsanayo ka jeediyay Machadka Diblumaasiyadda Caalamiga ah ee Chatham House magaalada London”.Ayuu yidhi Mudane Wasiir Bayle

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, oo maalmahan ku sugnaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa halkaasi Todobaadkii tagay kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain,isagoo kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto Horumarinta Hanaanka Maaliyadeed ee Dalka, iyadoo Hay’adda Lacagta aduunka IMF ay boggaadisay horumarinta iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadeedee Dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker