Dawladda Itoobiya oo sheegtay inay Qabatay Xubno ka tirsan Ururka Islaamiyiinta ah ee Daacish

Addis Ababa (OWN) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka, xilli ciidammada dalkaas ay howgallo ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.

 

Dagaalyahano taabacsan Ururka Daacish ayaa ka dagaallama dalka Soomaaliya balse waa markii ugu horreysay   ee ay Itoobiya qabato xubno ay ku sheegtay inay ka  tirsan yihiin  ururkaas.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, Colonel Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in tiro kamid ah ragga la qabtay ay ka kala soo jeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan.

Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shakhsiyaadka ay qabteen ee ka tirsan ururka Daacish

Tesfaye Ayalew waxaa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh, islamarkaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska ee Soomaaliya, taas oo u horseeday inay ku guuleystaan xiridda maleeshiyaadka.

Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa dhowaan shaaciyey in kooxdiisa ay beegsan doonto dalka Itoobiya, islamarkaana dagaal-yahanno ka qoran doonaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker