Dawladda Masar Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Macallim Dugsi Qur’aan Oo 80-Jir Ah

17 Maxbuus oo uu ku jiray Macallim Dugsi Qur’aan oo 80 jir ah ayaa waxaa Isniintii la soo dhaafay ee bishan April 26-dii lagu dhex dilay Xabsiga Waadi Al-Natrun ee dalkaasi.

Marxuumintaasi ayaa lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen Weerar bishii November 19-dii ee sanadkii 2013-kii lagu dilay 13 Askari oo ku sugnaa Saldhig Bolis oo ku yalla Degmadda Kerdasa ee duleedka magaalladda Giza.

Macallinka Dugsi Qur’aanka ee lagu fuliyey xukunka dilka waxaa lagu mgacaabi jirey Sheekh C/Xamiid Jibriil kaasi oo aan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi.

Waxay ciiddanka ka soo qabteen isagoo ku dhex jira Masjidka, wax yar kadib, markii uu dhacay weerarkaasi oo loogu magac daray Weerarkii Kerdasa (معركة كرداسة).

Waxa uu beeniyey inuu ku lug lahaa weerarkaasi, mana uusan ahayn qof ku dhex jiray Siyaasadda ama Mucaarad ku ahaa Dowladda.

 

Dhinca kale, 16-ka kale ee iyagana lagu fuliyey xukunka dilka waxaa lagu kala magacaabi jirey:

1- Waliid Saciid Abu Cumayra,

2- Maxamed Rizaak Abul Sowd,

3- Ashraf Sayid Rizak,

4- Axmed Aweys Xuseen,

5- Cisam C/Moety

6- Axmed C/Nebi,

AKHRISO
CXD oo sheegay in ay bur-buriyeen goobo Al-Shabaab ku diyaarin jireen qaraxyo

Apr 30, 2021
In ka badan 15 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay xuduudka Goballada Tigray iyo Amxaarada

Apr 30, 2021
Dhageyso:- Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Apr 30, 2021
7- Beder C/Nebi,

8- Qutub Sayid Qutub,

9- Cumar Maxamed El-Sayed,

10- Cisat Al-Attar,

11- Cali Al-Sayid Kenaawi,

12- C/llaahi Saciid,

13- Maxamed Yuusuf Al-Sayidi,

14- Axmed C/Salaam,

15- Carafaat C/Ladiif,

16- Mustafa El-Sayed El-Kerfesh.

Si kastaba ha ahaatee, Qoysaska Marxuumininta la dilay bishan April 26-dii ayaan lagu wargelinin xukunka lagu fuliyey, waxayna dad badan la fajaceen dilkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker