Madaxweyanaha Somaliland Oo Casho Sharaf U Sameeyay Ergadii Kasoo Qayb-gashay Shirkii Dib U Eegidda Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay ergadii kasoo qayb gashay shirkii dib u eegista siyaasadda arrimaha dibadda ee ka socday magaaladda Hargaysa.

Ergadani oo ka kala socday dalal badan ayaa si weyn ugala shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qaabkii loosii dar-dar gelin lahaa Siyaasadda arrimaha dibadda iyo ictiraad raadinta Somaliland.

Wasiirka arrimha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ergadani kusoo dhaweeyay xafladda madaxweynuhu ugu yeedhay iyo guud ahaan dalka Somaliland, waxaanu sheegay Dr. Sacad in Somaliland ay si weyn uga dharagsan tahay abaal-na ay u hayso ergadan iyo dalalka ay ka yimaadeenba sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka “Mudanayaal iyo marwooyin kusoo dhawaada xafladda iyo cashada uu idiin sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waa habeen farxad leh inaynu halkani ku wada kulano dhamaanteen, waxaan jecelahay mar labaad iyo mar-saddexaadba inaan idinku soo dhaweeyo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

Ugu danbayna ergadani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulankaasi casho sharafta ah ee uu u sameeyey wufuudaasi kala duwan, waxaana ay sheegeen inay ka makhraati kici doonaan wanaaga ay Jamhuuriyadda Somaliland kusoo arkeen, oo ay tahay in ay wax bartaan dalalka Afrika.

Image may contain: 2 people, people standing and people on stageImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: one or more people, people standing, wedding and suitImage may contain: 2 people, wedding

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker