Xildhibaan Foosiya Xaaji Aadan Oo Soo Bandhigtay Qaabka Loo Gali Karo Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya, Deegaan ahaanna kasoo jeeda Somaliland ayaa soo jeediysay in wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland lagu wareejiyo oday Dhaqameed labada Dal.

Fawsiya ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ee labada dinac la siiyo fursad wanaagsan, meel ka mid ah dalka oo nabad ahna ay ku wadahadlaan, wixii ka soo baxana lagu wareejiyo siyaasiyiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shir horudhac u ah kulanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka dhici lahaa Ankara uu baaqday kaddib markii waddamada UK, Mareykanka iyo Sweden ay ka caga jiideen kor joogteynta shirkaas oo la qorsheeyay in 18-ka March uu ka dhoco Ankara.

Waxaa kale oo iyana soo baxaya in dowladda Federaalka ah ay wadahadallada u xil saartay rag dhallinyaro ah halka Somaliland ay Turkiga u dirtay Wasiirkeeda arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker