Badhasaabka G/Sool oo kormeeray Taliska qaybta Booliska gobolka iyo Saldhiga dhexe ee Laascanood

Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa maanta kormeer indho-indhayn ah ku tegay xarunta taliska qaybta ciidanka booliska iyo saldhiga dhexe ee magaaladda Laascaanood.
Guddoomiye C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, markii uu gaadhay xarunta taliska qaybta waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed C/laahi Cabdi.

Waxaanu badhasaabku soo indho-indheeyay qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay xarunta taliska qaybta booliska gobolka Sool, iyadoona uu taliyaha qaybtu warbixino iyo xog waran ka siiyay badhasaabka.

Geesta badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, waxaa uu isla maanta kormeer ku soo maray saldhiga dhexe ee booliska ee magaaladda Laascaanood, waxaanu halkaasi salaam kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo khudbad u jeediyay ciidamadii halkaasi joogay ayaa kula dar-daarmay, isla markaana ku adkeeyay in ay si hufan u gutaan shaqadda ay qaranka u hayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker