Wasaaradda Caddaalada JSL oo Nootaayooyinka ku amartay in aanay qori karin Heshiisyada iibinta gaadiidka

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Caddaalada oo Nootaayooyinka ku amartay in aanay qori karin Heshiisyada iibinta gaadiidka hadii Qofka gaadhi iibinayaa aanu Magaciisu ku qornayn Buuga lahaanshiiyaha Gaadhiga la kala iibsanayo.

 

Sum: WC/XW/G-02/62/21
Ku: radio hargaysa
Ku: Telefishanka qaranka
Ku: Dhammaan Xafiisyadda Nootaayooyinka Goboladda Dalka
Og: Isku-duwayaasha Wasaaradda Caddaaladda Ee Goboladda Dalka
Og: Waaxda Marin-u-helida iyo Mihnadlayaasha Sharci Ee Wasaaradda Caddaaladda
Og : Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL
Og: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caddaaladda JSL
Og: Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda GadIidka iyo Hormarinta Jidadka JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maliyadda JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL
Og: Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland
UJeedo: Degreeto Wasiir
=======================
Markaan Arkay: Qodobka 12aad farqadiisa 3-aad iyo 5-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (2001)
Markaan Arkay: Ahmiyadda ay leedahay ilaalinta iyo kala Wareejinta lahaanshaha gadiidka ahi
Markaan Arkay: Dhaqan- galka Xeerka Wada Marista Gaadiidka Xeer Lr: 56/ 2013
Markaan Arkay: Dhaqan-galka Xeerka Nootaayooyinka Somaliland Xeer Lr: 18/2001
Markaan Xaqiiqsaday: Wajibaadka Sarkaalka Nootaayadda sida ku qeexan Qodobka 9(3) aad ee Xeerka Nootaayooyinka una dhigan sidan: ” wuxuu sugaa kala wareejinta lahaanshaha hantida guurtada ah iyo maguurtada ah iyadoo sida loola kala wareegayo iyo shayga lala kala wareegayo ay waafaqsan yihiin shareecadda iyo Xeerarka dalku leeyahay”
Markaan Xaqiiqsaday: in lagama maarmaan ay tahay lahaanshaha kala wareejinta Gadiidku
Markaan Arkay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda ee la xidhiidha kor u qaadista dakhliga cashuuraha beriga
Waxaan soo saaray amarkan
Laga bilaabo 1-9-2021 waxa la farayaa dhammaan nootaayooyinka dalka in aanay u kala qori karin heshiis iib gaadhi hadii iibiyaha gaadiidku aanu ku qornayn buugga lahaanshaha gaadhiga
Sidaas darteed nootaayada u hogaansami weyda amarkan waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan
ALLAA MAHAD LEH
WASIIRKA WASAARADDA CADDAALADDA JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker